Real Madrid Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaqiiqada Wararka La Xiriirinaya Kylian Mbappe.

Kooxda Real Madrid ayaa ka hadashay xaqiiqada wararka la xiriirinaya xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappe.

Waxa jira warar badan oo Kylian Mbappe la xiriirinaya kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu Zidane ku soo laabtay shaqada tababaranimo ee kooxda Los Blancos.

Laakiin Real Madrid ayaa beenisay wararka sheegaya in ay dalab ka gudbisay xiddiga ama isku diyaarinayso in ay adeegiisa u dhaqaaqdo suuqa xagaaga.

Sida xilli ciyaareed kasta Real Madrid ayaa lala xiriiriyaa xiddiga reer France xilli ay wararku sheegayaan in ay Los Blancos 280 Milyan ku dalban doonto xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Los Blancos ayaa si deg-deg ah uga jawaabtay wararkaas iyaga oo sheegay in ayna wax qorshe ah u hayn in ay u dhaqaaqaan Mbappe.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ayna kooxda Real Madrid wax dalab ah ka gudbin doonin xiddiga reer France marka la gaadho suuqa xagaaga.

Mustaqbalka Mbappe ee PSG ayuu shaki weyn galay kadib markii ay Kooxda caasimada France si lama filaan ah ugaga hadhay tartanka champions league.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*