Sababta Uu Ilkay Gundogan U Diidan Yahay In Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixao Man City Oo La Ogaaday

Kooxda Man City ayaa isku dayaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan kaas oo ay doonayaan in ay ka saxiixdaan heshiis cusub oo wakhti dheer ah.

Laakiin Mustaqbalka Ilkay Gundogan ee kooxda Man United ayaa khatar ugu jira sabab la xidhiidha baadhitaanka FIFA, UEFA iyo waliba premier league ku wadaan kooxda Man City ee ku aadan qaabka ay kooxdu u samayso saxiixyada.

City ayaa qorshaynaysa in ay iska iibiso Ilkay Gundogan hadii uuna xiddiga reer Germany heshiis cusub u saxiixin inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Laakiin rajadooda ah in ay ka soo ceshtaan qayb ka mid ah lacagtii 25-ka milyan ee ay xiddiga kula soo saxiixdeen 3 sano ka hor ayaa dhimanaysa hadii suuqa laga ganaaxo.

UEFA ayaa balan qaaday in ay Man City ku furto baadhitaan ku aadan in ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga Yurub.

Waxa intaas sii dheer in ay FIFA iyo waliba FA-ga Premier League sidoo kale baadhitaan ku fureen eedaymo la xiriira xiddigaha da,yarka ah ee aan qaan gaadhin iyo waliba milkiile saddexaad oo meesha ku jira.

Wararka ayaa sheegaya in dusha laga saari doono ganaax laab suuq ah taas la macno ah in ayna laba suuq wax xiddigo cusub ah la saxiixan doonin.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay arintaas sabab u tahay in uuna xiddiga Ilkay Gundogan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda Man City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*