Saddex Xiddig Oo Barcelona Ah Oo Laga Yaabo In Ay Ka Tagaan Kooxda Xagaaga.

Waxa ay u muuqataa in uu xagaa mashquul ah u noqon doono kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda isku shaandhayn ku samayn doonta kooxda iyada oo uu Zidane samayn doono dib u dhisid.

Laakiin Barcelona ayaa dhankeeda samayn doonta saxixiixyo hadii ay noqoto qaar ay iibiyan ama qaar ay la soo wareegaan.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay jiraan saddex xiddig oo boorsooyinkooda ka qaadan doona kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Philippe Coutinho, Samuel Umtiti Iyo Ivan Rakitic ayaa lagu soo waramayaa in ay ka tagi doonaan kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ivan Rakitic ayaa si weyn loola xiriirinayay bixitaanka Barcelona tan ilaa markii ay Barcelona la soo saxiixtay xiddiga Frenkie De Jong.

Rakitic ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Man United, Chelsea, Juventus Iyo Inter Milan xilli ayna Barcelona wali heshiis cusub u soo bandhigin.

Dhanka kale xiddiga Samuel Umtiti ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda sababa la xidhiidha dhaawacyada badan ee soo gaadhay xilli ciyaareedkan.

Coutinho ayaa dhankiisa si aad ah ugu dhibaatoonaya Barcelona kadib markii uu lacag badan ugu soo biiray Barcelona waxana ay u badan tahay in uu isaga tagi doono kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*