Sadio Mane Oo Ka Hadlay Xiriirka Uu La Leeyhay Mohamed Salah & Sababta Uuna Kubada Ugu Dhigin

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka hadlay xiriirka uu la leeyahay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah.

Sadio Mane ayaa wakhtigii ugu dambeeyay saxaafadu ku eedaysaa in uuna kubada u dhigin taas oo ay sabab u tahay qaab ciyaareedka xun ee Mohamed Salah.

Xiddiga reer Senegal oo Arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Aniga iyo Salah waan is fahamsanahay waxa aan u ciyaarnaa hal koox waxana aan difaacaynaa hal maaliyad wax walba oo aan qabano waa qayb ka mid ah shaqadeena”.

“Waxa aan wada xiriirnaa mar walba garoonka gudihiisa iyo dibadiisa xiriirka naga dhexeeyana waa mid adag in la iskaayo bar-bar dhigo waa arin iska caadi ah oo ka dhacda kubada cagta laakiin wax dhibaato ah kuama keento xiriirkeena iyo waliba waxa ay saxaafadu qorto”.

Mane oo ka hadlaya in uuna baaska u dhigin salah ayuu yidhi” Dabcan si kas ah uma sameeyo arintaas waxa aan u ciyaaraynaa hal koox midkeena dhaliyba waxa ay faa,iido u tahay kooxda”.

“Ma Sawiran karo aniga oo Salah u diidaya in aan baas u dhiibo si la mid ah dhankiisa waa sidaas kaliya waxa aan doonaynaa in aan Liverpool guulo la gaadhno”.

Sadio Mane ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 20 gool oo tartamada oo dhan ah isaga oo la mid ah xiddiga Mohamed Salah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.