Sadio Mane Oo Neceb Ciyaarista Ciyaar Gacmeedka “PlayStation” & Sababta Oo La Ogaaday

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa qaadanaya mid ka mid ah xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed.

Sadio Mane ayaa kooxdiisa Liverpool u dhaliyay 17 gool horyaalka premier League isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay kaalinta 1-aad kaga jirto horyaalka premier League.

Sababta uu qaab ciyaareedka cajiibka ah ugu jiro Sadio Mane ayaa la ogaaday xilli uu haatan ku maqan yahay waajibaadka xulka qarankiisa Senegal.

Xiddiga Sadio Mane ayaa Neceb  ciyaarista ciyaar gacmeedka “PlayStation” sida uu xaqiijiyay kabtan xulka qaranka Senegal.

“Waligay ma ciyaarin ciyaar gacmeedka “PlayStation”.

“Xitaa kama fikiro in aan ciyaaro, hadii aanan wax walba oo aan awoodo soo bandhigin ma gaadhi doono waxa aan doonayo”.

“Marna ma jecli ciyaarista Ciyaar gacmeedka “PlayStation”, waligay maan ciyaarin, waxanana u malaynayaa in uu yahay wax wakhtiga lumiya mana doonayo in aan lumiyo hal daqiiqo hadii aanan wax faa,iido ah ka helayn”.

Ciyaartoyo badna oo kubada cagta ay ayaa xaqiijiyay in ay si joogto ah u ciyaaraan ciyaar gacmeedka marka ayna ciyaar ku jirin ama tababar ku jirin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*