Samuel Umtiti Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Barcelona Xilli Uu Xiiso Ka Helayo Man United & Man City

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa ka hadlay go,aankiisa ku aadan ka tagista koxoda Barcelona kadib markii uu xiiso ka helay kooxaha reer Manchester ee Man United iyo Man City.

Xiddiga reer France ayaa lala xiriirinayaa ka tagista kooxda Barcelona gaar ahaan markii ay kooxda Barcelona xiiso u muujisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Matthijs de Ligt.

Waxa jira warar si weyn loo hadal hayo oo sheegaya in ay kooxaha Man United iyo Man City ku dalaamayaan adeegiisa dhamaadka xilli ciyaareedkna.

Samuel Umtiti oo la hadlaya wargayska Telefoot ayaa yidhi”Waxa aan doonayaa in aan sii joogo kooxda Barcelona, mana doonayo in aan ku biiro koox kale”.

Xiddiga reer France ayaa xilli ciyaareedkan la dhibaatoonayay dhaawacyo taas oo keentay in uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxdiisa Barcelona.

Laakiin xiddiga ayaa kulamadii ugu dambeeyay ku soo laabtay kooxdiisa isaga oo kulamadii ugu dambeeyay u ciyaaray kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*