Shaxda Ay Chelsea Ku Ciyaari Karto Hadii Uu Frank Lampard Noqdo Tababaraha Blues

Kooxda chelsea ayaa tababare u magacaabi karta Halyeeyga Frank Lampard si ay kooxda uga badbaadiso dhibaatada Maurizio Sarri ee xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa ka baxsan kaalmaha ugu sareeya premier League looguna soo boxo champions League halka ay sidoo kale wajahayaan ganaax 2 suuq ah.

Waxa intaas sii dheer in ay chelsea ku dhawdahay in ay waydo xiddiga ugu fiican kooxdeeda ee Eden Hazard kaas oo lala xiriirinayo kooxda Rea Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa maanta sheegaya in Lampard uu hogaaminayo tababarayaasha u sharaxan shaqada tababaranimo ee kooxda chelsea.

Marka loo eego ganaaxa laga saaray suuqa chelsea ayaa dib ugu yeedhan doonta kala badh xiddigaha amaahda uga maqan iyada oo sidoo kale sii haysan doonta xiddigaha da,yarka ah ee kooxda.

Chelsea ayay 40 xiddig uga maqan yihiin Amaah kuwaas oo noqon kara shax adag oo uu Lampard hogaamin karo xilli ciyaareedka dambe.

Hadaba wargayska The Sun ayaa shaaciyay sida ay noqon doonto shaxda Chelsea hadii uu Lampard qabto shaqada Tababaranimo ee Chelsea.

 This is how Chelsea could line-up next season under Frank Lampard

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.