Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Ku Ciyaarto Xilli Ciyaareedka Dambe, 4 Xiddig Oo Cusub Ayaa Ku Jira

Marka haatan la eego ma kala cada in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer noqon doono tababaraha Man United ee xilli ciyaareedka dambe ama in ay maamulka kooxdu go,aansan doonaan in ay tababare kale doortaan.

Tababaraha reer Norway ayaa qabtay shaqo cajiib ah tan ilaa markii uu Jose Mourinho shaqada ka badalay bishii December isaga ayaana ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha buuxa ee kooxda.

Laakiin gudoomiye ku xigeenka Man United ee Ed Woodward ayaa wali Tabababraha Tottenham ee Mauricio Pochettino u arka dookh fiican.

Waxa dhamaadka xilli ciyaareedkan la ogaan doonaa cida hogaamin doonta Man United laakiin qof kasta oo yimaada waxa loo dhiibi doonaa lacag fiican oo uu suuqa galiyo.

Wargayska Daily Mirror ayaa soo saaray Shaxda laga yaabo in ay Man United ku ciyaarto xilli ciyaareedka dambe tababare kasta oo hogaamiya.

Daafaca ayay ku jiraan laba xiddig oo cusub kuwaas oo kala ah Maguire iyo Koulibaly halka uu Coutinho ku jiro khadka dhexe iyo weerarka uu uu ku jiro da,yarka Sancho..

Xiddigaha Maguire, Koulibaly, Coutinho iyo Sancho ayaa si aad ah loola xiriirinayaa kooxda Man United wakhtigii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*