Shaxda Ugu Fiican Horyaalka La Liga Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedka Oo La Soo Saaray

Machadka Daraasada ee CIES ayaa soo saartay Shaxda ugu fiican horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan xilli 10 kulan ka dhiman tahay dhamaadka horyaalka.

Kooxda Barcelona ayaa si fudud u haysa hogaanka horyaalka La Liga iyaga oo 10 dhibcood ka horeeya kooxda kaalinta 2-aad ee Atletico Madrid.

Machadka daraasaadka ee CIES ayaa soo saaray shaxda ugu fiican horyaalka La Liga ilaa haatan xilli ciyaaeedkan.

Kooxda hogaanka u haysa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig oo uu hogaaminayo Lionel messi.

Lionel Messi ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxdiisa u dhaliyay 29 gool iyo waliba 14 caawin horyaalka La Liga.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa ku leh 3 xiddig sida ay sheegtay CIES kuwaas oo qiimeeyay xiddig walba qaab ciyaareedkiisa.

Kooxaha Athletic Bilbao, Valencia Iyo Eibar ayaa sidoo kale xiddigo leh shaxda ugu fiican ee ilaa haatan horyaalka La Liga.

Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda CIES Soo saartay ee ugu fiican La Liga:

Goohaye: Marc-Andre ter Stegen (Barcelona)

Daafaca: Jordi Alba (Barcelona), Gerard Pique (Barcelona), Yeray Alvarez (Athletic Bilbao), Sergio Reguilon (Real Madrid).

Khadka Dhexe: Ivan Rakitic (Barcelona), Luka Modric (Real Madrid), Dani Parejo (Valencia)

Weerarka: Lionel Messi (Barcelona), Karim Benzema (Real Madrid), Fabian Orellana (Eibar)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*