Shuruuda Looga Baahan Yahay Real Madrid Hadii Ay Doonayaan Saxiixa Paul Pogba

Saxafiga reer Italy ee Gabriele Marcotti ayaa kashifay shuruuda Paul Pogba ka caawinaysa in uu ku biiro kooxda Real Madrid wakhtiga soo socda.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid wakhtigii ugu dambeeyay kadib qirashadii uu sameeyay Xiddigu.

Pogba ayaa qirtay in ay riyo u tahay ka ciyaarista kooxda Real Madrid iyo waliba in uu ka hoos ciyaaro tababare Zinedine Zidane.

Gabriele Marcotti oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Iibinta Luca Modric ama Toni Kross ayaa si weyn u hubinaysa in uu Paul Pogba ku biiro Real Madrid iyo in ay Man United Miiska u saaraan lacag fiican”.

Real Madrid ayaa si weyn loo filayaa in ay isku shaandhayn weyn ku samayso kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay kooxda u xoojiyaan.

Hadalka Pogba ayaa heegan galiyay kooxda Real Madrid xilli uu Zidane doonayo in uu Pogba keeno kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Real Madrid ayay ku adkaan doontaa in ay Kooxda Man United ku qanciso in ay iibiso xiddiga ugu qaalisan taariikhdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.