Taageerayaasha Xulka Malta Oo Weerar Ku Qaaday Sergio Ramos & Mohamed Salah Oo Sabab U Ah

Xiddiga daafaca uga ciayara xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa la kulmay orin iyo ku digasho kulankii uu xulka qaranka Spain la ciyaaryay xulka Malta,

Xulka Spain ayaa la ciyaaray xulka Malta is reeb-reebka koobka Euro 2020 iyada oo uu xulka Spain gaadhay guul 2/0 ah oo uu Alvaro Morata u dhaliyay.

Wargayska MARCA ayaa saaka sheegaya in uu Kabtanka Real Madrid orin kala kulmay taageerayaasha xulka Malta intii ay socotay ciyaartu.

Taageeryaasha Malta ayaa Ramos ku orinayay mar walba oo uu taabto kubada intii ay socotay ciyaartu iyada oo sidoo kale garoonku qaylo is xidhay markii lagu dhawaaqay maagaca Ramos bilowgii ciyaarta.

Wargayska ayaa sheegay in sababta taageerayaasha Malta ugu orinayeen Sergio Ramos in ay tahay dhacdadii dhacday finalkii champions League xilli ciyaareedkii hore ee uu Sergio Ramos dhaawacay Mohamed Salah.

Wargayska ayaa sheegaya in kooxaha Man United iyo Liverpool yihiin kooxaha ugu taageerada badan jasiirada Malta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.