Wakhtiga Ole Gunnar Solskjaer Loo Magacaabi Doono Tabbaraha Buuxa Ee Man United Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa si aad ah ugu dhaw in ay tababare buuxa ka dhigto tababare Ole Gunnar Solskjaer kadib qaab cajiib ah oo uu ku bilowday shaqadiisa tababaranimo kadib markii uu shaqada ka badalay jose Mourinho.

Man United ayaa la filayaa in ay si Rasmi ah u xaqiijiso in tababare Ole Gunnar Solskjaer yahay tababarohooda cusub todobaadkan.

Tababaraha reer Norway ayaa Man United guul ku hogaamiyay14 kulan oo ka mid ah 19 kulan oo uu hogaamiyay kooxda tan ilaa markii uu shaqada ka badalay Mourinho.

Kooxda Man United ayaa ku adkaysanaysay in ay go,aanka tababaraha Cusub ee kooxdeeda qaadan doonto dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxda Man United la wareegay iyaga oo 11 dhibcood ka dambeeya kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Laakiin Man United ayaa haatan ku dhaw kaalinta 3-aad waxana uu sidoo kale tababare Ole Gunnar Solskjaer ka caawiyay kooxda Man United in ay u soo baxdo 8 dhamaadka champions League kadib guul soo laabasho leh oo ay ka gaadheen PSG.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*