WAR CAD: Chelsea Oo Xiddigaha Kooxda Ku War Galisay Jawaabtii Racfaankii Ay Ka Gudbisay Ganaaxii Suuqa, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Andreas Christensen ayaa shaaca ka qaaday in ay maamulka kooxda Blues haatanba xiddigaha kooxda u sheegeen jawaabtii ka soo baxday UEFA racfaankii ay ka qaadanayeen ganaaxii laga saaray Suuqa kala iibsiga.

Andreas Christensen ayaa sheegay in ay kooxda chelsea qaadan doonto ganaaxa labada suuq ee dusha laga saaray iyada oo waliba loo sheegay isaga in uu joogi Doono kooxda oo aan la iibin karin xagaaga.

Kooxda ka dhisan West London ayaa dusha laga saaray ganaax 2 suuq ah iyada oo aan wax xiddiddigo cusub ah la soo saxiixan karin ilaa suuqa Janaury ee 2020 kadib markii lagu helay in ay jabisay xeerka da,yarka u yaala suuqa.

Kooxda Chelsea ayaa diiday in ay is dhiibto iyaga oo racfaan ka gudbiyay suuqa laakiin racfaankaas ayaa laga soo diiday.

Andreas Christensen ayaa ka niyad jabsan ciyaaris la,aantiisa kooxda tan ilaa markii uu Maurizio Sarri tababaraha u noqday kooxda waxana uu doonayay in uu isaga tago xagaaga si uu u helo koox uu joogto ugu ciyaaro.

Laakiin haatan waxa uu sheegay in ay kooxdu isku diyaarinayso qaadashada 2 suuq ee laga ganaaxay taas oo la macno ah in ayna xiddigaha haatan jooga kooxdu meelna uga socon.

“Fariinta aan helnay ayaa ah in chelsea laga diiday Racfaankii suuqa sidaas darteed waxa ay doonayaan in ay sii haystaan xiddigaha kooxda jooga haatan”ayuu Andreas Christensen u sheegay Ekstra Bladet.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*