WAR CAD: Maamulka Chelsea Oo Xiddigaha Ku War Galiyay Go,aankooda Ku Saabsan Suuqa Kala Iibsiga & Saamaynta Ay Ku Yeelan Doonto Real Madrid.

Kooxda Chelsea ayaa xiddigaha baxsadka ka ah u sheegtay in ayna meelna uga socon kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka la gaadho suuqa xagaag ee kala iibsiga Ciyaartoyada.

Maamulka chelsea ayaa xiddigaha baxsadka ka ah kooxda u sheegtay in aan la iibin doonin suuqa xagaaga sabab la xidhiidha in FIFA Kooxda ka diiday racfaankii ay ka qaadanaysay.

FIFA ayaa kooxda chelsea ka diiday racfaankii ay ka qaadanaysay ganaaxii 2-da suuq ahaa ee dusha laga saaray taas oo la macno ah in ayna Chelsea xiddigo cusub la saxiixan karin ilaa xagaaga 2020.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Andreas Christensen ayaa sheegay in ay chelsea haatanba xiddigaha kooxda u sheegtay in laga diiday racfaankii.

Chelsea ayaan xitaa iibin doonin xiddigaha haatan amaahda uga maqan sida xiddigaha Kurt Zouma, Michy Batshuayi iyo Tiemoue Bakayoko kuwaas oo amaah ku kala jooga kooxaha Ac Milan, Everton iyo Crystal Palace.

Taas ayaa la macno ah in dhamaan xiddigaha haatan kooxda jooga ay ku sii sugnaan doonaan tan ilaa xagaaga 2020 markaas oo ah marka ay dib u gali karaan suuqa.

Warkan ayaa xu xun xiddigaha uu ugu horeeyo Eden Hazard oo lala xiriirinayay kooxda Real Madrid oo xitaa dalab furitaan ah ka soo gudbisay.

Halkan Kaga Bogo Xiddigaha Baxsadka ka ah kooxda ee loo sheegay in ayna ka tagi doonin kooxda:

 Chelsea players to be affected by the transfer ban

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*