Warar Hordhac Ah Oo Ka Soo Baxay Dhaawaca Cristiano Ronaldo & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo La Ogaaday, Miyuu Seegi Doonaa Kulanka Ajax?

Wararka ka imanaya dalka Portugal ayaa shaaca ka qaaday nooca dhaawaca soo gaadhay xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo waliba mudada uu garoomada ka maqnaan doono.

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhaawacmay kulankii uu xulka qaranka Portugal bar-baraha la gashay xulka Serbia kulan ka tirsnaaa is reeb-reeb Euro 2020.

Inkasta oo ayna wali soo bixin warbixinta buuxda hadana waxa soo baxay warar hordhac ah kuna saabsan dhaawaca soo gaadhay xiddiga reer Portugal.

Wargayska calciomercato oo soo xigtay wargaysyada Portugal ayaa sheegay in uu xiddiga reer Portugal soo gaadha dhaawac muruqa lugta midig ah.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo garoomada ka maqnaan doono muddo u dhexaysa 15 ilaa 30 Maalmood iyada oo laga shaki qabo taam ahaanshihiisa kulanka Ajax ee champions league.

Juventus ayaa la ciyaari doonta kooxda Holland 10 bisha April ee soo socota hadii uu Ronaldo maqnaado muddo 2 todobaad ah waxa ay la macno tahay in seegi doono kulankaas.

Laakiin xiddiga ayaa taam buuxa u noqon doona kulanka lugta 2-aad ee dhici doona 16 bisha hadii uuna garoomada ka maqnaan muddo intaas ka badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*