WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Ugu Saamaynta Badan Horyaalada Yurub Oo La Soo Saaray, Halkee Ayay Messi & Ronaldo Ku Jiraan?

Wargayska Daily Mirror ayaa soo saartay Liiska 10-ka xiddig ee ugu saamaynta badan horyaalkada 5-ta ah ee ugu waaweyn xilli ciyaareedkan iyada oo ay ku jiraan xiddigaha sida weyn u xafiiltama ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Inkasta oo ay xiddigaha Messi iyo Ronaldo ku jiraan Liiska hadana waxa jira xiddigo ka saamyn badan kuwaas oo dhibco badan u sameeyay kooxdooda kuwaas oo uu ugu horeeyo xiddiga kooxda Lille ee Nicolas Pépé iyo waliba xiddiga chelsea ee Eden Hazard.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ugu saamaynta badan horyaalada yurub iyo dhibcaha ay u shaqeeyeen kooxdooda.

1.Nicolas Pépé (Lille).

Waxa iska caadi ah in kaalinta 1-aad lagu arko xiddiga Pepe sababta oo ah waa xiddiga kaliya ee kooxdiisa u shaqeeyay 25 dhibcood isaga oo dhaliyay 17 gool sidoo kale caawiye ka noqday 8 kale.

2.Eden Hazard (Chelsea)

Xiddiga reer Belguim ayaa kooxdiisa chelsea kaligii u shaqeeyay 20 dhibcood horyaalka premier League waana mid u dhiganta 35% dhibcaha guud ee ay kooxda chelsea ka heshay premier League.

3.Lionel Messi (Barcelona)

Messi La,aan Barcelona ayaa ku jiri lahayd kaalinta 4-aad waxana ay waayi lahayd 20 dhibcood uu uu u shaqeeyay kabtankooda Lionel Messi kaas oo ku lug lahaa 40 gool oo u qaybsama goolal iyo caawin.

4.Paul Pogba (Man United).

Inkasta oo uu si xun ku bilowday xilli ciyaareedka hadana xiddiga reer France ayaa kulamadii ugu dambeeyay wacdaro dhigay isaga oo kooxdiisa kaligii u shaqeeyay 19 dhibcood.

5.Antoine Griezmann (Atletico Madrid)

Inkasta oo uu xiddiga reer France dhaliyay kaliya 12 gool horyaalka La Liga hadana goolashiisa ayaa ahaa qaar muhiim ah oo dhibco u soo hooyay kooxdiisa isaga oo 18 dhibooc u shaqeeyay kooxdiisa.

6.Jadon Sancho (Borussi Dortmund).

Da,yarka reer England ayaa wacdaro ka dhigaya horyaalka Germany isaga oo kooxdiis Borussia Dortmund u shaqeeyay 17 dhibcood lana mid ah xiddiga Arsenal ee Aubameyang.

7.Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal)

Xiddiga reer Gabon ayaa kooxdiisa Arsenal ka caawiyay una shaqeeyay 18 dhibcood isaga oo premier League ka dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkan.

8.Cristiano Ronaldo (Juventus).

Xiddiga reer Portugal aya kooxdiisa Juventus u shaqeeyay 18 dhibcood isaga oo ka caawiyay in ay 15 dhibcood ka horayso kooxda Napoli kala saraynta horyaalka Serie A-da.

9.Wissam Ben Yedder (Sevilla).

Xiddiga Wissam Ben Yedder ayaa kooxdiisa Sevilla u shaqeeyay 17 dhibcood horyaalka La Liga waxana uu u dhaliyay 16 gool xilli ciyaareedkan.

10.Duván Zapata (Atalanta).

Weeraryahanka kooxda Atalanta ayaa kooxdiisa u shaqeeyay 17 dhibcood horyaalka Serie A-da taas oo u dhiganta 38% dhibcaha guud ee ay kooxdu heshay isaga oo dhaliyay 17 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*