WARBIXIN: 9 Saxiix Oo Dhacaya Ama Aad Ugu Dhaw In La Dhamaystiro Ka Hor Furitaanka Suuqa Kala Iibsiga.

Inkasta oo ay wali bilo ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan iyo waliba furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga hadana kooxo badan oo reer yurub ah ayaa haatanba dhamaystiray saxiixyo ama ku dhaw in ay dhamaystiraan.

Wargayska MARCA ayaa soo bandhigay 14 saxii oo la dhamaystiray ama ku dhaw in la dhamaystiro.

Benjamin Pavard – Stuttgart -> Bayern Munich:

Bayern Munich ayaa saxiixa xaqiijisay suuqii January waxana uu Munich ku biiri doonaa 30 bisha June 2019.

Aaron Ramsey – Arsenal -> Juventus:

Xiddiga reer Wales ayaa si xor ah ugu biiri doona kooxda Juventus kadib markii uu xiddigu qalinka ku duugay heshiiska Juventus.

Timo Werner – RB Leipzig -> Bayern Munich:

Ma jirto wali wax la xaqiijiyay laakiin wargayska Bild ayaa sheegaya in uu heshiisku dhici doono xagaaga marka uu suuqu furmo.

Frenkie de Jong – Ajax -> Barcelona:

Barcelona ayaa kooxo badan oo reer yurub ah ku garaacday saxiixa xiddiga reer Holland kaas oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah kuna soo biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Eder Militao – Porto -> Real Madrid:

Real Madrid ayaa 50 Milyan ka bixisay xiddiga reer Brazil waxana uu noqday saxiixi ugu horeeyay ee uu Zidane sameeyay kadib soo laabashadiiisi.

Christian Pulisic – Borussia Dortmund -> Chelsea:

Chelsea ayaa 54 milyan oo euro ka soo bixisay xiddiga suuqii January iyada oo dad badan u arkaan badalka Eden Hazard.

Lucas Hernandez – Atletico Madrid -> Bayern Munich:

Inkasta oo uuna wali heshiisku dhicin suuqii January-na fashilmay waxa si weyn loo filayaa in uu xiddig ku biiro Bayern Munich xagaaga.

Diego Godin – Atletico Madrid -> Inter Milan:

Labada kooxood ayayna midkoodna xaqiijin heshiiska laakiin daafaca reer Uruguay ayaa la filayaa in uu si xor ah ugu biiro Inter Milan.

Rodrygo Goes – Santos -> Real Madrid:

Waa xiddig kale oo reer Brazil ah kaas oo ku soo wajahan kooxda Real Madrid waxana la sugayaa qaabka uu Zidane u isticmaali doon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*