WARBIXIN: Man United Oo Aqbalaysa Qorshe Ay Real Madrid Kaga Helayso Gareth Bale, Real Ayaa Qorshe Ka Wadata

Kooxda Man United ayaa ka Fiirsanaysa sidii ku heli lahayd saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale kaas oo ay ku raad joogeen tan ilaa markii uu joogay Horyaalka premier League.

Man United ayaa laga yaabaa in ay Pau Pogba u ogolaato in uu ku biiro kooxda Real Madrid hadii ay helaan saxiixa Gareth Bale sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer France ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa Old Trafford kadib markii uu qirtay in u ciyaarista Real Madrid ay tahay riyadiisa.

Sida laga soo xigtay Wargayska AS Madrid ayaa aga yaabaa in ay heshiiska ku darto xiddiga reer Wales si ay ugu qanciso United in ay ka iibiso xiddiga Paul Pogba.

United ayaa xiiso wakhti dheer ah u haysa Gareth Bale waxana ay si aad ah ugu dhawaadeen in ay la saxiixaan sanadkii 2013 ka hor intii uuna ku biirin Real Madrid.

Laakiin waxa qaab ciyaareed liita soo bandhigay xilli ciyaareedkan waxana ay kooxdu diyaar u tahay in ay iska fasaxdo xgaaga.

Sidaas darteed wararka ayaa sheegaya in ay u soo bandhigi doonaan Man United si ay iyaguna u helaan saxiixa Pogba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.