WARBIXIN: Neymar, Hazard, Mane, Mbappe & 6 Xiddig Oo Lala Xiriirinayo Real Madrid Tan Ilaa Markii Uu Zidane Ku Soo Laabtay Los Blancos

Tababare Zinedine Zidane ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Real Madrid kadib markii uu si lama filaan ah uga tagay kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkii Hore.

Kadib wakhti adag oo ay Real Madrid soo qaadatay xilli ciyaareedkan Real Madrid ayaa go,aansatay in ay dib u soo celiso Zidane oo wakhti fiican ku qaatay Los Blancos intii uu tababaraha ahaa.

Ral Madrid ayaa la filayaa in ay samayso saxiixyo badan si fiicana u xoojiso kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu furmo suuqa xagaaga.

Wargayska AS ayaa soo saaray 5-tii xiddig ee sida weyn loola xiriirinayay kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu Zidane ku soo laabtay kooxda.

1.Eden Hazard:

Xiddiga reer Belguim ayaa taageero weyn u ah tababaraha reer France isaga oo dhawr jeer qirtay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro Real Madrid si uu uga hoos ciyaaro Zidane.

Hazard ayaa si weyn loola xiriirinayay Real Madrid laakiin waxa sii xoogaystay wararka la xiriirinaya Los Blancos kadib markii uu Zidane ku soo laabtay.

2.Sadio Mane:

Xiddga reer Senegal ayaan isagu qiran in uu taageero u yahay Zidane ama uu doonayo in uu ku biiro Real Madrid laakiin Zidane ayaa si aad ah u doonaya adeegiisa.

Mane ayaa Real lala xiriirinayay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore laakiin wararka ayaa joogsaday kadib markii uu Zidane ka tagay kooxda Real Madrid.

Laakiin Mane ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu Zidane ku soo laabtay kooxda Real Madrid.

3.Neymar:

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loola xiriirinayo Real Madrid gaar ahaan intii uu Zidane ku soo laabtay Real Madrid.

Neymar ayaa dhankiisa doonaya in uu ka hoos ciyaaro tababare Zidane kuna biiro kooxda Los Blancos iyada oo lala xiriirinayo kooxda ka dhisan La Liga.

4.Paul Pogba:

Waa xiddig kale oo qirtay jacaylka uu u qabo u ciyaarista Real Madrid iyo waliba ka hoos ciyaarista tababare Zidane.

Xiddigan ayaan xitaa markii hore lala xiriirinayay Real Madrid laakiin tan ilaa markii uu Zidane ku soo laabtay kooxda waxa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Los Blancos.

5.Christian Eriksen

Waa xiddig kale oo lala xiriirinayo Real Madrid maalmihii ugu dambeeyay kadib markii uu Zidane ku soo laabtay kooxda Real Madrid.

Christian Eriksen ayaa ka mid ah xiddigaha uu Zidane sida shaqsiga ah u doonayo in uu la soo wareego si uu ugu buuxiyo xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric kaas oo da, noqonaya.

6.Kylian Mbappe:

Waxa aynu odhan karnaa waa xiddiga loogu hadal haynta badan yahay sida weyna loola xiriirinaya Real Madrid tan ilaa markii uu Zidane ku soo laabtay kooxda.

Inkasta oo ay Los Blancos xaqiijisay in ayna wax dalab ah ka gudbin doonin hadana wararka ayaa si weyn si ula xidhiidhinaya xiddiga reer France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*