WARBIXIN: Saddex Arimood Oo Man United Ka Caawin Kara In Ay Paul Pogba Ka Hor Istaagto In Uu Ku Biiro Real Madrid.

Kooxda Man United ayaa haysata 3 faa,iido oo ka caawinaya in ay Paul Pogba ka ceshtaan in uu ku biiro kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Man United ee Pogba ayaa si weyn loola xiriirinayaa Real Madrid tan ilaa markii uu Zinedine Zidane ku soo laabtay kooxda.

Xiddiga reer France ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro Real Madrid xagaagii 2016 laakiin waxa uu ugu dambayn doortay in uu ku biiro Red Devils.

Real Madrid ayaa la filayaa in ay lacag badan suuqa galiso si ay u xoojiso waxana bartilmaameedkeeda ka mid ah Xiddiga Pogba.

Si kasta ha ahaatee wargayska Ok Diario ayaa sheegaya in ay kooxda Man United haysan karto xiddiga iyo waliba 3 sababood oo ka caawin kara.

Mida 1-aad ayaa ah xiriirka xun ee uu Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez la leeyahay wakiilka Paul Pogba ee  Mino Raiola.

Sababta 2-aad ayaa ah in ay Man United dalban karto lacag waali ah marka ay wadahadalada la bilowdo kooxda Real Madrid maadama uu xiddigu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican yurub.

Sababta 3-aad ee ugu dambaysa ayaa ah in ayna Man United gabi ahaanba doonayn in ay iibiso xiddiga reer France maadama uu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda taas ayaana macno ah in ay Real Madrid ku dhibaatoon doonto in ay ku qanciso iibkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*