XASAASI: Barcelona Oo Liverpool U Soo Bandhigtay Saxiixa Philippe Coutinho, Madaxda Kooxda Oo Ogolaatay & Hal Qof Oo Heshiiska Hor Taagan

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Liverpool u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Philippe Coutinho kadib markii uu xiddigu ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay si weyn hoos ugu dhigto qiimaha ay ku iibinayso xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Brazil ayaa Barcelona ugu biiray lacag dhan 142 milyan oo euro taas oo ku kacaysa 160 Milyan marka lagu daro shuruudo gaar ah.

Liverpool ayaa wax walba u samaysay sidii ay u sii haysan lahayd xiddiga laakiin Coutinho ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Barcelona.

Tabaabraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xitaa xiddiga u sheegay in uu ugu yaraan sugo ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Coutinho ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda Barcelona suuqii January ee sanadkii hore kadib markii uu diiday in uu kooxda xitaa u ciyaaro.

Wargayska ESPN FC ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona la xidhiidhay Liverpool una sheegtay in ay ka iibin karaan xiddiga dibna ugu celin karaan Anfield hadii ay miiska saaraan 90 Milyan oo euro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in madaxda kooxdu ogolaatay dalabkaas laakiin uu Jurgen Klopp yahay qofka hor taagan in uu heshiisku dhoco.

Klopp ayaa aaminsan in uu Coutinho go,aansaday in uu isaga tago koox laga jecel yahay laakiin uuna haatan khal-khal galin doonin kooxdiisa iyo xiddigaha kooxdiisa isla qabsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*