Xiddig Muhiim Ka Ah Arsenal Oo Qirtay In Uu Ka Fiirsanayo In Uu Isaga Tago Arsenal.

Xiddig u ciyaara kooxda Arsenal waliba muhiim ka ah shaxda tababare Unai Emery ayaa shaki weyn galiyay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal kadib markii uu qirtay in uu doonayo in uu qaato talaabo cusub.

Xiddiga Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa lama filaan qarxiyay kadib markii uu qirtay in uu ka fiirsanayo in uu isaga tago kooxda hal sano kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub.

Xiddiga Switzerland ayaa ku dhawaaqay hadalkan xilli uu ku sugan yahay waajibaadka xulka qarankiisa ka hor kulanka ay is reeb-reebka Euro 2020 la ciyaari doonaan xulalka Georgia & Denmark.

Xhaka oo 26 jir ah ayaa kooxda Arsenal kaga soo biiray Borussia Monchengladbach sanadkii 2016 waxana uu kooxda u ciyaaray 126 kulan isaga oo u dhaliyay 11 gool.

Xiddiga ayaa ka mid noqday xiddigaha furaha u ah kooxda tababare Unai Emery isaga oo xitaa dhawr jeer kabtan u noqday Gunners xilli ciyaareedkan.

Laakiin hadalka ka soo baxay ayaa wadna xanuun ku noqon doonta tababare Emery iyo waliba taageerayaasha kooxdiisa Arsenal.

Xhaka oo la hadlaya wargayska Tagblatt ayaa yidhi”Waxa aan ahay qof Hami weyn leh waxa aan doonayaa in aan qaado talaabo kale oo cusub”.

“Arsenal ma noqon doonto kooxdaydii ugu dambaysay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.