Xulka Italy Oo Bar-Bareeyay Rikoodh 57 Sano Jira & Xogtii Cajiibka Ahayd Ee Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Guusha Ka Gaadheen Liechtenstein

Xulka qaranka Italy ayaa u muuqda mid meel iska dhigay niyad jabkii ka hadhitaankii koobkii adduunka Russia 2018 oo ay ka hadheen.

Italy ayaa si cajiib ah ku bilaabatay is reeb-reebka koobka Euro 2020 kaas oo maraya kulankiisii 2-aad waliba guul gaadhay labada kulanba.

Xulka Azzurri ayaa gaadhay guushoodii ugu weynayd muddo 57 sano ah kadib markii ay dhaliyeen 6 gool ulankii ay guusha ka gaadheen xulka Liechtenstein.

Azzurri ayaa xulka Liechtenstein ku marti galiyay garoonka Stadio Tardini ee ku yaala magaalada Parma kulan ahaa kulankoodii 2-aad ee is reeb-reebka Euro 2020.

Arinta la yaabka leh ayaa ah kulankii xalay ka hor in uuna xulka Italy dhalin wax ka badan 2 gool kulan kaliya tan ilaa markii ay kulankii ugu dambeeyay la ciyaareen xulka Liechtenstein.

Kulankaas uu xulka Italy 5/0 uga badiyay xulka Liechtenstein kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Koobkii adduunka ee 2018.

Si kasta ha ahaatee xulka Italy ayaan 6/1 gool dhalin tan ilaa bishii March 1993 markaas oo ay 6/1 uga badiyeen xulka Malta is reeb-reebka koobka adduunka.

Laakiin guushii 6/0 ahayd ee ay xalay gaadheen ayaa ah guushii ugu weynayd ee ay ku abdiyeen tan ilaa 1962 markaas oo ay 6/0 uga badiyeen xulka Turks.

Waxa intaas sii dheer in uu xulka qaranka Italy shabaqooda ilaashaday 5 kulan oo xiriir ah taas oo ah rikoodh uuna xulka Italy dhigin tan ilaa 2005.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*