Zinedine Zidane Oo Ay Ka Go,antahay In Uu Helo Saxiixa Sadio Mane

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ka go,antahay in uu helo saxiixa xiddiga kgarabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane.

Xiddiga reer Senegal ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid xilli uu Zidane doonayo in uu ku xoojiyo weerarkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Sadio Mane ayaa kooxda Liverpool ku biiray xagaagii 2016 isaga oo 41 milyan oo euro ugaga biiray kooxda Southampton waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda.

Real Madrid ayaa xagaagii hore xiiso u muujisay Mane Iyada oo ay xitaa wararku sheegayaan in ay heshiis shaqsiga ah la gaadhay xiddiga laakiin heshiiska ayaa fashilmay kadib markii uu Zidane ka tagay kooxda.

Laakiin Zidane ayaa ku soo laabtay kooxda taas oo dib u soo celisay wararka Mane la xiriirinaya Real Madrid xilli uu Zidane isku shaandhayn ku samayn doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay adkaan doonto in ay Liverpool kala heshiiso saxiixa xiddiga hadana Zidane ayaa maamulka kooxdiisa ku booriyay in ay dhamaystiraan heshiiska wax walba oo ay ku qaadato.

Mane ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo 9 kulan gool dhaliyay premier League waliba qaab xiriir ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.