Alisson Becker Oo Amaan Ugu Qubeeyay Daafaca Ay Isku Kooxda Yihiin Ee Joe Gomez

Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa farxad weyn ka muujiyay soo laabashada daafaca Joe Gomez amaana ugu qubeeyay 21 jirka reer England kadib markii uu garoomada ku soo laabtay kadib 4 bilood oo uu maqnaa.

Gomez ayay lugtu jabtay kulankii Burnley ee Bishii December ee sanadkii hore.

Inkasta oo la filayay in uu xiddigu todobaadyo yar ka maqnaado garoomada hadana xiddiga ayaa ku dhaawamay tababarkii ka soo kabsashada ee uu ku jiray.

Lakaiin markii uu ku soo laabtay garoomada Alisson Becker ayaa si weyn ugu farxay xiddiga da,yarka ah ee reer England.

“Run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay in uu soo laabtay”ayuu Alisson yidhi, “Waa xiddig weyn garoonka dibadiisa iyo gudihiisaba”.

“Waa qof fiican waxana uu u qalmaa waxa ugu fiican noloshiis, aan garoonka ku haysano mar walba waa wax weyn, waxa uu wax weyn ka badalay kulankii Porto markii uu soo galay”.

Gomez ayaa ciyaari kara kulanka muhiimka ah ee ay Liverpool Axada la ciyaari doonto kooxda Cardiff City kulan ay Liverpool u dagaalamayso ku guulaysiga horyaalka premier League.

Alisson ayaa sii raaciyay”Bilowgii xilli ciyaareedkan ka hor intii uuna dhaawacu soo gaadhin waxa uu ahaa mid muhiim u ah kooxda dhanka daafaca”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.