Chelsea Oo Iska Xaadirisay Semi Final-ka Europa League , Slavia Prague Ayay Xasuuqeen

Kulankaan ayaa ahaa lugta labad ee Quarter-final-ka Europa League xilli kooxda Slavia Prague kulankii hore looga soo badiyay hal gool , waxa ayna Chelsea biloowgii ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh waxaana nasiinada lagu aaday 4/1.

Chelsea ayaa goolka ku horeysay Pedro ayaana dhaliyay daqiiqadii 5-aad xili daqiiiqaddii 9-aadna ay ku qasbeen kooxda martida in ay si qaldan isaga dhaliyaan gool labaad waxaana sidaas sameeyay Simon Deli .

Chelsea ayaa kubadda ku badneyd balse kooxda Slavia Prague waxa ay ciyaarayeen kubad foojigan inkastoo maamulka laga haystay waxaana lagu helay gool 3-aad waxaana saxiixay Olivier Giroud daqiiqadii 17-aad .

Mar waliba qeybtaas hore Chelsea ayaa kubadda ku sareysay oo maamuleysay hadana waxaa lagu helay gool daqiiqadii 29-aad waxaana saxiixay Tomas Soucek iyadoo ay xusid mudan tahay in dhamaadkii kooxda Slavia Prague isku dayayeen in afka hore Chelsea cadaadis saaraan .

Qeybta labaad , ciyaarta qaab deggan ayay ku bilaabatay balse Slavia Prague waxa ka go`ana in goolasha yareyaan waxa ayna daqiiqaddii 51-aad heleen gool kaasi oo uu banaanka ka toogtay Petr Sevcik

Ka dib goolkaas Chelsea waa ku adkeyd in kubadda horay u jiidaan halka kooxda martida ah ay soo dhisayeen kubado cajiib ah waxaana mar kale banaanka ka toogtay shabaqa Cheslea isla Petr Sevcik daqiiqaddii 54-aad xilli ka dibna Chelsea dirqsi uga bad baadeen gool sedexaad

Ka dib goolkaas labaad , Chelsea wax ay u muuqdeen kuwo gaabis ah oo ay ku adag tahay in ay afka hore si fog ugu soo dhaqaaqaan halka kooxda martida ay dagaal ugu jireen gool kale .

Dhamaadkii Chelsea waxa ay xoogaa u muuqdeen kuwo maamulaya kubadda balse kooxda martida waxaa ka go`anaa in si fog afka hore ugu soo dhaqaaqaan  balse waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 4/3 oo ay Chelsea isaga xaadirisay semifanal-ka Europa League

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.