Fabio Capello Oo Kashifay Qiimaha Lacageed Ee Ay Real Madrid Suuqa Galin Doonto Si Ay Xiddigo Cusub Ula Soo Saxiixato

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Fabio Capello ayaa kashifay qiimaha ay Real Madrid galin doonto suuqa kala iibsiga xagaaga si ay u xoojiso kooxda kadib dhibaatadii xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa ku jirta xilli ciyaareed aad u liita xilli ciyaareedkan iyaga oo kaalinta 3-aad kaga jira kala saraynta horyaalka La Liga si fool xumo lehna uga hadhay tartanka champions League.

Los Blancos ayaa si weyn ugu dhibaatootay buuxinta goolashii Cristiano Ronaldo kaas oo ku biiray kooxda Juventus si lama filaan ahna uga tagay kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Fabio Capello oo arintaas ka hadlaya ayaa u sheegay wargayska AS” Waxa aan todobaadkii hore joogay Magaalada Barcelona waxana aan la joogay qof aas ugu dhaw Real Madrid”.

“Qofkaas ayaa ii sheegay in ay Real Madrid suuqa galin doonto lacag dhan 500 oo Milyan si ay xiddigo cusub ugula soo wareegto xagaaga”.

Kooxda Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayaa xiddigaha Eden Hazard, Kylian Mbappe, Paul Pogba, Sadio Mane iyo waliba xiddigo kale oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican yurub.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.