Gareth Bale Oo Maamulka Real Madrid Ku War Galiyay Go,aanka Kama Dambaysta Ah Ee Mustaqbalkiisa

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa maamulka kooxdiisa ku war galiyay go,aanka kama dambaysta ah ee uu ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sida laga soo xigtay idaacada La Sexta, Gareth Bale ayaa maamulka Los Blancos u sheegay in uu go,aansaday in uu sii joogo kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka dambe.

Isla ila wareedkaas ayaa sheegaya in wakiilada Xiddigu ay la xiriireen maamulka kooxda una sheegeen in uuna xiddiga reer Wales meelna uga socon kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xgaaga.

Gareth Bale ayaa Real Madrid ku soo biiray xagaagii 2013 isaga oo ugu yimid kooxda heshiis 100 milyan oo euro ah waliba noqday xiddigii ugu qaalisanaa kooxda wakhtigaas.

Xiddiga ayaa haysta dalabyo badan oo uga yimid horyaalka premier league si uu uga tago Real Madrid isaga oo xiiso ka helaya kooxaha Man United, Chelsea iyo waliba kooxdiisii hore ee Tottenham.

Laakiin xiddiga ayaa si cad u sheegay in uuna wax niyad ah u hayn in uu isaga tago kooxda Real Madrid xagaaga dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.