Gary Neville Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Semi-finalka Hadii Ay Ku Aadan Barcelona

Halyeeyga Kooxda Man United ahna falanqeeyaha Sky Sport ee Gary Neville ayaa qiimeeyay fursadaha kooxsa Liverpool ee Kulanka Barcelona ee Semi-finalka champions League hadii ay Reds caawa dhaafto kooxda Fc Porto.

Waxa uu mar walba raadiyaa fursad uu ugu digto kooxda Liverpool laakiin Gary Neville ayaa waxyaabo fiican ka sheegay fursadaha Reds ee Semi-finalka champions League hadii ay la kulmaan Barcelona.

Xiddigii hore ee Man United ayaa aaminsan kulanka Hogaamiyayaasha premier League iyo hogaamiyayaasha La Liga ee champions League uu noqon doono kulan aad isugu dhaw.

Gary Neville ayaa aaminsan in ay Liverpool 50/50 fursad u haysato in ay garaacdo Barcelona inkasta oo ay guul weyn ka gaadheen kooxdiisii hore ee Man United.

“Marka aad gaadho Semi-finalka shaki la,aan waxa aad tahay koox ku guulaysan karta tartanka”ayuu Gary Neville u sheegay beIN SPORTS.

“Laakiin 5-tii ilaa 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee kulankii Barcelona la ciyaaraysay Man United, hadii ay sidaas ula ciyaaraan Liverpool Semi-finalka Liverpool way ka faa,iidaysan doontaa sbaabta oo ah Liverpool way ka fiicantahay Man United”.

“Saddexda xiddig ee weerarka ee Liverpool waxa ay ku abuuri doonaan dhibaato weyn, waxan u malaynayaa in uu Semi-finalku yahay 50/50”.

“Ma odhan karo Barcelona ayaa ugu cad-cad walba oo dhaca”.

“Liverpool waa koox fiican waxana ay leeyihiin tamar ka fiican Kooxda Barcelona, Ma lahan tayada xiddigaha Barcelona laakiin waxa ay la mid noqon karaan marka loo eego dadaalkooda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*