İlkay Gündoğan Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Inter Milan & Faah-Faahinta Mushaharkiisa Oo La Ogaaday

Kooxda Inter Milan ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee İlkay Gündoğan sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ogolaaday in uu ku biiro kooxda Inter Milan marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

İlkay Gündoğan ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Man City iyada oo uu booska kaga horeeyo xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Fernandinho kaas oo uu Guardiola joogto u ciyaarsiio.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan wadahdalo kula jirto xiddiga si ay u helaan adeegiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in mushaharka uu xiddigu qaadan doono u dhexeeyo 8 ilaa 9 milyan oo euro isaga oo noqon doona xiddiga ugu mushaharka badan kooxda Inter Milan.

Gündoğan ayaa maamulka Inter Milan siiyay ogolaanshihiisa in uu ku biiro kooxda iyada oo ay kooxdu haatan isku diyaarinayso in ay Man City kala heshiiso qiimaha xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*