Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Bayern Munich, Maxaa Soo Kordhay?

Tababarihii hore ee kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Bayern Munich.

Tababare Jose Mourinho ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Man United tan ilaa bishii December markaas oo laga caydhiyay shaqada Red Devils.

Jose Mourinho ayaa soo tababaray kooxaha Chelsea, Inter Milan, Real Madrid iyo Man United waxana uu xaqiijiyay in uu doonayo in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Moruinho oo wax laga waydiiyay shaqada tababaranimo ayaa yidhi” Maxaa diiday, wali kamaan shaqayn halkaas”.

“Waxa aan doonayaa in aan ku guulaysato champions league waliba aniga oo hogaaminaya koox cusub, aynu eegno waxa dhaca”.

Jose Mourinho ayaa horay champions League ugula soo guulaystay kooxaha Inter Milan iyo FC Porto inkasta oo uu ku fashilmay in uu kooxihii kale kula guulaysto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*