Man City Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Tottenham Kana Soo Kabsatay Niyad Jabkii Champions league

Kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa tododbaadkii 35-aad ee horyaalka premier league.

Kulanka ayaa ahaa mid si dagan ku bilowday iyada oo ay kooxda Man City qaadaysay weeraro aan halis ahayn dhanka kalena Tottenham si fiican u difaacanaysay goolkeeda.

Daqiiqadii 5-aad ayay Man City gool ka dhalisay fursadii ugu horaysay iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Philip Foden kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Man City ayaa sii waday dadaalka iyaga oo maamulayay kulanka xilli ay raadinayeen in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta goolal kalena ka dhaliyaan kooxda Tottenham.

Dhanka kale Tottenham ayaa iska khasaarisay fursado cajiib ah oo ay goolal ka dhalin kareen iyaga oo ay xiddigaha Son iyo Eriksen khasaariyeen laba fursadood oo cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City 1/0 ku hogaaminayso kana fiicnayd Tottenham marka laga reebo dhawrkii fursadood ee ay Tottenham samaysay.

Qaybtii dambe ayay Tottenham si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo weeraro rogaal celis ah ku qaadayay kooxda man City ugu yaraan 4 fursadood oo gool laga dhalin karay iska khasaariyay.

Man City aya dhankeeda samaysay fursado halis ah oo ay goolal ka dhalin kartay laakiin labada kooxood ayayna midkoodna u suurtagalin in ay natiijada wax ka badalaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City sidaas ku gaadhay guul 1/0 ah sidaasna ku heshay 3 dhibcood oo muhiim ah oo ay kaga soo kabsatay niyad jabkii champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.