Marcus Rashford Oo Joojiyay Wadahadaladii Heshiis Kordhinta Ahayd Ee Uu Kula Jiray Man United & Barcelona Oo Sabab U Ah

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa lagu soo waramayaa in uu joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee uu kula jiray kooxda Man United sida ay sheegayaan wararka ka imanaya maanta oo Khamiis ah.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu xiddiga reer England danaynayo in uu ku biiro kooxda Barcelona inkasta oo ay maamulka Barcelona ogyihiin in ay adagtahay in ay helaan saxiixa xiddiga marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay Barcelona ka dalbatay 21 jirka reer England in uu Man United ku riixo in ay ogolaadaan in uu ku biiro Barcelona oo ay ugu horayso in uu ka boxo wadahadalada heshiis kordhinta ah ee uu kula jiro kooxda.

Mustaqbalka Rashford ayuu shaki weyn ku jiraa sabab la xidhiidha in uu heshiiskiisa Man United dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay Red Devils dhaqan galisay heshiiska halka sano ee dookha ah.

Wargayska Dialy Mial ayaa intaas ku daraya in uu Rashford dalbanayo 200 milyan oo euro hadii uu doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda taas oo ah dalab uu ogyahay in ayna Maamulka Man United ogolaan doonin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.