Mohamed Salah Oo Sharaxay Dabaal Degii Uu Sameeyay Kadib Goolkii Uu Ka Dhaliyay Chelsea

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sharaxay dabaal degii uu sameeyay kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Liverpool kulankii ka dhacay Anfield ee ka tirsanaa horyaalka premier Leagie.

Salah ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxda Liverpool daqiiqadii 53-aad isaga oo si cajiib ah gool ugu dhaliyay kooxdiisa kana caawiyay in ay guul ka gaadho Kooxdiisii hore.

“Waxa aan Jecelahay Ciyaarta “Yoga” sidaas darteed waxa uu ku soo dhacay qalbigayga kama fikirin dabaal dega, waxana aan sameeyay kadib goolka”.

“Markii aan laagay kubada kama fikir wax kale laakiin waxa aan dareemay in aan laado waxana aan ku nasiib badanahay in ay kubadu shabaqa gasho”.

Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 19-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib uu gool ka dhaliyay kooxda chelsea kulan ka tirsanaa premier League.

Mohamed Salah ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay 2 dhibcood ku qabtaan hogaanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*