NASASHADA KOOXDA: Eden Hazard, Gareth Bale & 13-Kii Saxiix Ee Waaweynaa Ee Ay Man United Seegtay

Kooxda Man United ayaa samaysay saxiixyo waaweyn taariikhdeeda kuwaas oo ay ugu guulaystay koobab badan oo premier League ah ama koobabkii kale ee ay ka qayb qaadatay taariikhdeeda.

Laakiin xitaa hadii aad tahay kooxda ugu awooda badan adduunka waxa jira xiddigo aanad la soo saxiixan karin xitaa hadii aad haysato lacagta ugu badan adduunka kubada cagta.

Man United ayaa la soo saxiixatay xiddigo halyeeyo ka noqday kooxda sida Eric Cantona, Ole Gunnar Solskjaer, Nemanja Vidić iyo xiddigo badan oo kale laakiin waxa jiray xiddigo ay ku fashilantay in ay la soo saxiixato.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 13-kii saxiix ee ay kooxda Man United ku fashilantay saxiixooda inkasta oo ay dadaal walba u sameeyeen sidii ay ula soo saxiixan lahaayeen.

1.Alan Shearer: Baacsigii uu Alex Ferguson ugu jiray Alan Shearer ayaan ahayn mid qarsoodi ah waxana uu isku dayay in uu la soo saxiixdo marar badan xitaa markii uu ku biiray kooxda Blackburn Rovers xagaagii 1996.

2.Ronaldinho: Man United ayaa si la mid ah isku dayday saaxirka reer Brazil kaas oo ay doonayeen in ay keenaan Manchester laakiin Ronaldinho ayaa ka siibtay faraha Red Devils isaga oo ku biiray kooxda PSG kadib markii uu xiddigu noqday xiddigii koobka adduunka reebay xulka Qaranka England koobkii adduunka ee sanadkii 2002.

3.Michael Essien: Kooxda Man United ayaa xiiso u qabtay saxiixa halyeeyga reer Ghana laakiin Chelsea ayaa ka afduubatay saxiixiisa kadib markii la arkay xiddiga oo xitaa jooga magaalada Manchester.

4.Gareth Bale: Xiddiga reer Wales ayaa ilaa haatan bartilmaameed u ah kooxda Man United iyaga oo doonayay adeegiisa tan ilaa markii uu u ciyaarayay Southampton laakiin ilaa haatan ku adagtahay in ay helaan adeegiisa.

5.Eden Hazard: Xiddiga haatan u ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa dookha 1-aad ka dhigtay in uu ku biiro kooxda Man United laakiin Chelsea ayaa si lama filaan ah u soo gashay tartanka Kuna guulaystay adeegiisa.

6.Francesco Toldo

7.Gabriel Batistuta

8.Aaron Ramsey

9.Raul

10.Wesley Sneijder

11.Toni Kroos

12.Sergio Ramos

13.Fabinho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.