Pedro Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Eden Hazard, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Pedro ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Eden Hazard kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer Belguim ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid kuwaas oo isku diyaarinaya in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga xitaa ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in uu Hazard heshiis la galay kooxda Real Madrid xilli maalmaha yar ee soo socda la dhamaystiri doono heshiiska uu 28 jirkan ugu biiri doono kooxda Los Blancos.

Pedro oo la hadlaya tribalfootball ayaa yidhi” Hazard waxa uu ku fiican yahay chelsea”.

“Waxa uu diirada saarayaa inta ka dhiman xilli ciyaareedka kooxda chelsea mana garan karno waxa dhici doona mustaqbalka, laakiin waxa uu diirada saarayaa kooxda”.

“Hazard waa xiddig muhiim u ah kooxda cheslea waxana uu raaxo ku dareemayaa halkan waxana uu doonayaa in uu wax walba u sameeyo sidii uu u caawin lahaa kooxda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.