Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Dhaawaca Soo Gaadhay Kevin De Bruyne, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka United?

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay dhaawacii soo gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdiisa ee Kevin De Bruyne kulankii ay City guusha ka gaadhay kooxda Tottenham.

De Bruyne ayaa dhaawac uga baxay qaybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 38-aad kadib markii uu dhaawac soo gaadhay isaga oo kubad ku laagay goolka kooxda Tottenham.

Xiddiga reer Belguim ayuu dhaawac muruqa ah soo gaadhay waxana uu Guardiola xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka Man United ee Arabacada kana tirsan horyaalka premier League.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya ciyaarta kadib ayaa yidhi” Dhaawaca soo gaadhay waxa uu ahaa mid la yaab leh, ma ahan mid horay ugu dhacay, xitaa waxa fahmi waayay dhakhaatiirta kooxda”.

“ilaa haatan ma garan karo inta uu leegyahay dhaawacu laakiin waxa uu ka soo gaadhay muruqa”.

“Waxa aan eegi doonaa Bari laakiin waxa ay u badantahay in uu seegi doono kulanka xiga”ayuu Guardiola sii raaciyay.

Dhaawacan ayaa yimid wakhti xasaasi ah oo ay Man City u dagaalamayso ku guulaysiga horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.