Pep Guardiola Oo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ugu Guulaysan Karaan Horyaalka Kadib Guushii Liverpool Ee Chelsea

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa xiddigaha Kooxdiisa Man City u sheegay halka wado ee ay u difaacan karaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa tartan adag oo faraha looga gubtay kula jirta kooxda Liverpool sii ay ugu guulaysan lahaayeen horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayuu haatan cadaadisku saaran yahay kadib markii ay Liverpool garaacday kooxda Chelsea dibna ula wareegtay hogaanka horyaalka premier League.

City ayaana u baahan in ay guul gaadho kulan kasta oo u hadhay horyaalka premier League hadii ay doonayso in ay ku guulaysato premier League markii 2-aad oo xiriir ah.

“Waxa aan ku faraxsanahay kulamada noo hadhay, premier League wali gacanteena ayuu ku jira”ayuu Guardiola yidhi.

“Ugu Horayn waxa aan la ciyaari doonaa Tottenham Tartanka champions League kadib isla Tottenham ayaan la ciyaari doonaa tartanka premier League”.

“Waxa aan u baahanahay in aanu guul gaadhno kulan kasta oo nooga hadhay premier League hadii aan doonayno in aanu ku guulaysano horyaalka premier League”.

“Bishii hore waxa aan ogayn in ayna suurtagal ahayn laakiin waxa aan soo marnay wakhti damba wayna adkaan doontaa in aan horyaalka ku guulaysano hadii aan dhibco lumino”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*