RASMI: 6-da Xiddig Ee U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Premier Legaue Oo La Soo Saaray

Xiriirka FA-ga ayaa soo saaray Liiska xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli xilli ciyaareedku dhamaad ku dhawyahay.

Xiddiga Man City ee Raheem Sterling, xiddiga Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa ka mid ah uguna horeeya xiddigaha 6-da ah ee u tartami doona abaaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Sadio Mane, Sergio Aguero, Bernardo Silva Iyo Eden Hazard ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedka 2018/2019.

Liiska ayaa laga dhex waayay xiddiga Kooxda Liverpool Mohamed Salah kaas oo xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka premier League.

Dhanka kale Sanadkan Liverpool iyo Man City ayaa xiddigaha ugu badan ku leh marka loo eego ay leeyiih xiddigaha qaab ciyaareedka ugu fiican ku jira sababtana ka dhigay in ay labada kooxood ku tartamaan premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.