RASMI: Atletico Madrid Oo Albaabka Ka Xidhatay Man United, Xiddig Ay Doonaysay Ayay Heshiis Cusub ka Saxiixatay.

Kooxda Atletico Madrid ayaa albaabka ka xidhatay kooxda Man United kadib markii ay si Rasmi ah Heshiis uga saxiixatay xiddig ay Red Devils si gaar ah isha ugu haysay in ay u dhaqaaqdo adeegiisa wakhtiga soo socda.

Atletico Madrid ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay goolhayeheeda Jan Oblak kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda kaalinta 2-aad kaga jirta horyaalka La Liga.

Goolhayaha ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda Roji Blancos ilaa xagaaga 2023 markaas oo uu dhici doono heshiiskiisa cusub ee haatan.

Oblak ayaa Atletico Madrid ku soo biiray xagaagii 2014 isaga oo kaga soo biiray kooxda Benfica markaas oo uu badal u noqday Thibout Courtois kaas oo ku laabtay Chelsea markii uu ka dhamaaday heshiiskii amaahda ahaa.

Talaabadan ayaa quus goynaysa kooxda Man United oo Oblak u aragtay badalka David De Gea kaas oo diidan in uu kooxda heshiis cusub u saxiixo iskana tago kooxda.

Oblak ayaa Atletico Madrid kula guulaystay Saddex koob oo kala ah Super Cup-ka Spain, tartanka Europa League iyo UEFA Super League oo ay sanadkii 2018 ka qaadeen kooxda Ay Jaarka yihiin ee Real Madrid bilowgii xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*