RASMI: Kevin De Bruyne Oo Dhaawac Uga Baxay Kulanka Man City

Kooxda Man City ayay ku dhacday Dhirbaaxo culus oo ayna doonayn in ay dhacdo kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda ee Kevin De Bruyne kulanka ay haatan la ciyaarayaan kooxda Tottenham.

Xiddiga khadka dhexe ayuu dhaawac soo gaadhay daqiiqadii 38-aad isaga oo sii wadan kari waayay ciyaarta laguna badalay xiddiga khadka dhexe ee Fernandinho kaas oo badal ku soo galay qaybtii hore.

Dhaawaca soo gaadhay xiddiga ayaa u muuqday mid muruqa ah isaga oo waliba soo gaadhay isaga oo kubad xoogan ku laagay kooxda Tottenham kadib si deg-deg ah u dalbaday in la badalo.

Dhaawacan ayaa soo gaadhay xiddiga maalmo ka hor kulanka muhiimka ah ee ay kooxda Man City la ciyaari doonto Man United kulan ka tirsan horyaalka premier League oo baaqi u ahaa labada kooxood.

Inkasta oo aan wali la ogayn hadana dhaawaca ayaa u muuqday mid muruqa ka soo gaadhay xiddiga reer Belguim.

Waxa ay u Badantahay in uu ka maqnaado kulanka Ay Man City la ciyaari doonto inkasta oo la sugi doono wararka ka soo baxa dhaawaca xiddiga ciyaarta kadib.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.