RASMI: Liverpool Oo Xaqiijisay Lambarka Cusub Ee Uu Goolhaye Alisson U Qaadan Doono Kooxda Xilli Ciyaareedka Dambe

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in uu goolhayeheeda Alisson Becker xidhan doono Lambar cusub wixii ka dambeeya bilowga xilli ciyaareedka dambe iyada oo si Rasmi ah u xaqiijisay lambarka cusub ee Goolhayeheeda 1-aad.

Kooxda Liverpool ayaa bogeeda Internet-ka ku xaqiijisay in uu Goolhaha reer Brazil ee Alisson Becker xidhan doono Lambarka No.1 bilowda xilli ciyaareedka dambe ee 2019/2020.

Goolhayaha reer Brazil oo kooxda ku soo biiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay ayaa haatan kooxda Liverpool u xidha Lambarka No.13 isaga oo kaas ku bilowday xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Sababta uu Alisson u xidhay No.13 ayaa ah in uu Lambarka No.1 haystay goolhaye Loris Karuis markii uu Alisson ku soo biiray kooxda suuqii xagaag ee sanadkii hore markaas oo uu qaatay Lambarka No.13.

Laakiin Alisson ayaa xilli ciyaareedka dambe ku bilaaban doona No.1 kadib markii lagu soo bandhigay maaliyada xilli ciyaareedka cusub ee kooxda Liverpool oo maanta si Rasmi ah loo soo bandhigay.

Goolhaye Alisson Becker ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaadanaya kooxda Liverpool isaga oo 18 kulan oo premier League ah ilaashaday shabaqiisa xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.