RASMI: Xiddigaha U Tartami Doona Da,yarka Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan Oo la Soo Saaray

Xiriirka kubada FA-ga ayaa soo saaray xiddigaha u tartami doona abaalmartina xiddigaha u tartami doona da,yarka ah ee ugu fiican premier League Xilli ciyaareedkan.

Liiska ayay ku soo bexeen 6 xiddig kuwaas oo u tartami doona abaalmarinta xiddiga da,yarka ah ee ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man Ciy ayaa laba xiddig ku leh kuwaas oo kala ah xiddigaha qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jira ee Bernardo Silva Iyo Raheem Sterling kuwaas oo door weyn ku leh tartanka ay Man city ugu jirto horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa ku leh xiddiga dafaca midig uga ciyaara ee Trent Alexander-Arnold kaas oo dhankiisa ka mid ah daafacayada ugu caawinta badan premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa ku leh xiddiga weerarka uga ciyaara ee Marcus Rashford kaas oo laftiisa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan tan ilaa markii uu Ole Gunnar la wareegay Man United.

Trent Alexander-Arnold

David Brooks

Marcus Rashford

Declan Rice

Bernardo Silva

Raheem Sterling

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.