Real Madrid Oo Diyaarisay Dalabka Furitaanka Ah Ee Ay Ka Gudbinayso Saxiixa Paul Pogba

Kooxda Man United ayaa wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola u sheegta in aan xiddiga reer France loo ogolaan doonin in uu si fudud uga tago kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xaqiiqda ayaa ah in ay kooxda Man United doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga oo uu heshiiskiisa haatan dhici doono 30 bisha June ee sanadka 2021 waxana ay u sheegeen in kadib bixitaankii Jose Mourinho uuna xiddigu wax dhibaato ah ku haysan kooxda.

Si kasta ha ahaatee Paul Pogba ayaa doonaya in uu ka hoos ciyaaro tababare Zidane iyo waliba u ciyaarista kooxda Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay hawl galkan u diyaarsatay lacag dhan 150 milyan oo euro dalabkaas oo noqon doona waliba mid furitaan ah.

Lacagtaas ayaa ah mid ka badan lacagtii ay kooxda Man United ka soo bixisay xiddiga markii ay xagaagaii 2016 kala soo wareegtay kooxda Juventus markaas oo ay ka soo bixisay 105 milyan oo euro.

Kooxda Rea Madrid ayaa ku rajo weyn saxiixa xiddiga oo uu Zidane jecelyahay in uu kooxdiisa ku soo daro laakiin waxa ay sidoo kale isha ku hayaan dookhyo kale hadii ay man United diido dhamaan dalabyadeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*