Rikoodhka Liverpool Ku Leedahay Champions League Ee Reds Ka Caawin Kara In Ay Garaacaan Barcelona

Kooxda Liverpool ayaa wajihi doonta Kooxda Barcelona kulan ka tirsan Semi-finalka tartanka champions League laakiin taariikhda ayaa garab taagan kooxda tababare Jurgen Klopp.

Kooxda ka dhisan Merseysiders ayaa iska xaadirisay Semi-finalka champions League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xiriir ah kadib markii ay garaaceen kooxda Fc Porto ugana badiyeen 6/1 marka la isku daro natiijooyinka labada kooxood.

Barcelona ayaa dhanka kale iska xaadirisay Semi-finalka tartanka champions League markii ugu horaysay 4 sano kadib kadib markii ay 4/0 ku garaaceen kooxda Man United marka la isku daro goolashii labada lugood.

Inkasta oo ay qaab fiican ku jirto horyaalka Premier League iyo champions League hadana Liverpool ayaa ah koox aan ugu cad-cadayn in ay dhaafaan kooxda Barcelona una gudbaan wareega xiga.

Si kasta ha ahaatee kooxda ku ciyaarta Anfield ayaa taageero ka helaysa taariikhda marka ay la ciyaari doonaan kooxda Barcelona semi-finalka tartanka champions League.

Tan ilaa markii markii uu Jurgen Klopp noqday tababaraha Liverpool bishii October 2015 Reds ayaan guuldaro la kulmin kulan Tartamada yurub oo labada lugoodba ah.

Liverpool ayaa badisay dhamaan 9-kii kulan ee bug baxa ee tartamada yurub intii uu Jurgen Klopp hogaaminayay Liverpool iyaga oo laba ka badiyay kooxda Fc Porto.

Kooxaha Augsburg, Manchester City, Borussia Dortmund, Villarreal, Manchester City, Bayern Munich & Roma ayaa ka mid ah kooxihii ay Liverpool kabaha la dulmartay wakhtigaas.

Sidaas darteed Reds ayaa kulanka Liverpool galaysa iyaga oo rajo fiican leh kuna kalsoon in ay Barcelona garaaci karaan iskana xaadirin karaan finalka tartanka champions Legaue.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.