Sababaha Uu Zidane U Doonayso Saxiixa Paul Pogba Oo La Ogaaday

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya adeegooda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer France ayaa dhawaan qirtay in ay riyo u tahay in uu u ciyaaro kooxda Real Madrid iyo waliba in uu ka hoos ciyaaro tababare Zidane xilli uu tababaraha Los Blancos maamulka kooxdiisa ku riixayo in ay u keenaan kooxda.

Sida laga soo xigtay Wargayska MARCA Zidane ayaan kaliya u doonayn tayada xiddiga reer France laakiin sidoo kale la dhacsan awoodiisa hogaamiyenimo ee marka uu garoonka ku jiro.

Marka laga yimaado qaab ciyaareedkiisa weerar iyo waliba difaac Tababare Zidane ayaa la dhacsan shaqsyadiisa hogaamiyenimo ee xiddiga koobka adduunka kula guulaystay xulka France.

Xiddiga ayaa kooxda Man United kabtan u ahaa ka hor inta uuna Jose Mourinho xilka ka qaadin halka uu sidoo kale xulka France ku dhiiri galinayay kulamadii ay ciyaarayeen koobkii adduunka.

Inkasta oo ayna xiddigo Hogaamiyayaal ah ka maqnayn kooxda Hadana Zidane ayay kaga dhagantahay in uu helo Pogba si uu ugu dhiso kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe si ay kooxdu ugu tartanto koobab.

Sababta kale ayuu Wargayska MARCA ku tilmaamay in uu Zidane doonayo xiddig u gaajaysan in ay koobab ku guulaystaan xilli ciyaareedka dambe waliba waxwalba u samayn doona sidii ay u dhici lahayd arintaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.