Saddex Kooxood Oo Uu Gareth Bale Ku Biiri Karo Suuqa Xagaaga, Laba Ayaa Premier League Ah

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid iyada oo lala xiriirinayo in uu isaga tagayo kooxda maadama uuna ku jirin qorshaha Zidane ee xilli ciyaareedka dambe.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga reer Wales kaas oo aan ku jirin qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan sidoo kale dhaawac la dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in ay jiraan 3 kooxoood oo la saxiixan kara xiddiga reer Wales marka la gaadho suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda ugu horaysa ayaa ah kooxda Man United kuwaas oo doonaya in ay la soo saxiixdaan xiddig weyn oo hogaamiya mashruucooda wakhtiga soo socda waana xiddig ay Man United doonaysay adeegiisa tan ilaa xagaagii 2013 ka hor intii uuna Bale ku biirin Real Madrid.

Kooxda kale ayaa ah Bayern Munich kuwaas oo suuqa ugu jira xiddig garabka ah oo buuxiya booska xiddigaha Franck Ribéry iyo Arjen Robben kuwaas oo isaga tagi doona kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda 3-aad ayaa ah Tottenham oo ah kooxdiisii hore ee uu kaga biiray RealMadrid kuna soo qaatay wakhti cajiib ah iskuna soo shaac saaray ka hor intii uuna ku biirin Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*