Wakhtiga Heshiiska Eden Hazard Ee Real Madrid Lagu Dhawaaqi Karo Oo La Ogaaday

Ku Biirista Eden Hazard ee kooxda Real Madrid ayaa la dhamaystiri karaa maalmaha soo socda sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in Hazard oo 28 jir ah noqon doono saxiixa 3-aad ee kooxda Real madrid kadib markii ay Los Blancos horay u dhamaystirtay saxiixyada Rodrygo oo u ciyaara kooxda Santos iyo daafaca Fc Porto ee Eder Militao.

Heshiiska Eden Hazard ayaa lagu dhawaaqi karaa maalmaha yar ee soo socda kadib markii uu Zinedine Zidane siiyay ogolaanshihiisa in la dhamaystiro saxiixa xiddiga.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay Real Madrid xiddiga ka bixin doonto lacag dhan 85 milyan oo euro xilli hal sano ka hadhsan yahay hehsiiskiisa kooxda chelsea.

Warka ayaa intaas ku daraya in uu Hazard haatan heshiiska Shaqsiga ah la gaadhay kooxda Real Madrid isaga oo saxiixi doona heshiis 5 sano ah oo uu kaga mid noqdo doono xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda.

Hazard Ayaa horay u qirtay in uu jecelyahay ku biirista Real Madrid iyo waliba in uu ka hoos ciyaaro Zidane oo ah halyeeygiisa markii uu da,yarka ahaa.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.