WARBIXIN: Arsenal Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Toby Alderweireld

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah isugu diyaarinaysa in ay kooxda Man United uga hor qaado saxiixa xiddig u ciyaara kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld oo ay Red Devils muddo ku raad joogtay.

Toby Alderweireld ayaa noqon doona xor dhamaadka xilli ciyaareedka dambe taas ayaa la macno ah in xagaaga lagu heli karo kaliya lacag dhan 25 milyan oo euro.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Arintaas heegan galisay kooxda Arsenal kuwaas oo xilli ciyaareedakn ku dhibaatooday in ay daafaca ilaashadaan kulamada kala duwan.

Wargayska ayaa sheegaya in ayna Gunners wali wax dalab ah ka gudbin laakiin ay si gaar ah ula socoto xaaladiisa saab la xidhiidha in uu ka jaban yahay bartilmaameedyada kale ee ay doonayaan.

Hadii ay Arsenal u soo bixi waydo champions League Emery ayaa kaliya miiska loo saari doonaa lacag dhan 40 milyan oo euro si uu kooxda dib ugu dhiso.

marka loo eego 25 milyan oo kaliya Toby Alderweireld ayaa ah xiddig da,diidsu tahay 30 jir hoosna u sii dhacayo qiimihiisa suuqa kala iibsiga.

Man United ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa xiddiga kaas oo ay xitaa suuqii xagaaga ee la soo dhaafay ku doonaysay 60 milyan oo euro.

Daafaca reeer Belguim ayaan kaliya xiiso ka helayn labadaas kooxood laakiin waxa sidoo kale la sheegayaa in ay xaaladiisu soo jiidatay kooxaha Man City iyo Chelsea.

Toby Alderweireld Ayaa kooxda Tottenham ku soo biiray xagaagii 2015 isaga oo kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid kadib markii uu hal sano oo amaah ah ku qaatay kooxda Southampton.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*