WARBIXIN: Man City Oo Waayi Doonta 8 Xiddig Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan, Sabab

Kooxda Man City ayaa ka mid ah kooxaha ugu halista badan kuba cagta adduunka saddexdii sano ee ugu dambeeyay iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ka caawiyay tababaraha khabiirka ah ee Pep Guardiola.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay khatar ugu jirto in ay waydo 8 xiddig oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxdeeda sanadihii ugu dambeeyay marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska ka soo baxa France ee Le10Sport ayaa sheegaya in ay Man City waayi karto 7 ilaa 8 xiddig dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo uu Guardiola isku shaandhayn weyn ku samayn doono kooxda kadib fashilkii champions League.

Xiddigaha Leroy Sane & Gabriel Jesus ayaa ugu horeeya Liiska xiddigaha kooxda laga diri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Man City Guardiola siin doonto lacag badan dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu ugu dhiso koox xilli ciyaareedka dambe u tartami karta ku guulaysiga horyaalka premier Leageu.

Xiddigaha kale ee ka midka ah xiddigaha ay ku dhici doonto Seefta Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa in ay kala yihiin Riyad Mahrez, Vincent Kompany, Benjamin Mendy, Danilo, Ilkay Gundogan, Fabian Delph iyo waliba xiddigo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.